Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa Daa’uud Cali Caddow u magacaabay inuu noqdo  Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Galmudug , waxaana dhammaan la faray hay’addaha kala duwan ee Maamulka inay la shaqeeyaan.

Advertisement

Sababta keentay magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa waxaa wareegtada lagu caddeeyay in baahi Deg-deg ah loo qabo dhisida hay’addaha garsoorka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here