Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa hore u shaacisay in wajigav2-aad ee dagaalka dhawaan la bilaabi doono madaama inta badan wajiga koowaad guulo laga gaaray .

Haddaba waxaa is weydiin mudan maxaa ku dhagan waiiga labaad oo ujeedkiisu ahaa Alshabasb looga saaro Jubaland iyo K/Galbeed, dadka arimaha ciidamada iyo dagaalata falanqeeya ayaa rumeysan in waiigii koowàdba gunaanadkiisii dhaawac soo gaaray markii deegaano iyo Degmo muhiim ah Alshabaab dib kaga qabsadeen Gobolka Mudug.

Advertisement

Dowlada Somalia inay wajiga 2aad bilowdana ceeb bay ku noqoneyaa iyadoo aan gacanta Dowlada lagu soo celin Caad,Camaara iyo Bacaadweyn xili hore Ceel-buur iyo Galhareri ay u maqnaayeen.

Dowlada waxaa qasab ku ah ayay leeyihiin dadka taxliiliya arimaha istaraatiijiyada dagaalada walow Madaxweyne Xasan laftiisu macquul tahay inuu qaato go’aan soo boodo ah in seeriga wajiga labaad uu yeeriyo xili Dastuurkiina mashquulkiisu wali taagan yahay.

Hadaba la arki doonee Dowlada Xasan Sheekh halka ay ka bus kiciso Dastuurka kadib ama ka hor .

QORE WARIYE SUUD-MAQAATE

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Milatariga Isra’iil oo bur-buriyeen Taalada Falastiin
Next articleIsbahaysiyo siyaasadeed oo sii kordhaya xili doorashada aysan  dhaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here