Waxaa sii kordhaya Isbahaysiyada siyaaadeed ee looga soo horjeedo Dowlada Somaaliya,kuwaasoo imaanaya xili Dowlada hada iirta aysan xitaa laba sano uu buuxsamin.

Awal inta dhadan dhaq-dhaqaaqyada ayaa bilaadlban jirey dhamaadka Dowlada markaas jirta balse hada is badal ayaa muuqda walow Dowladii horana sidaan oo kale lagu sameeyay.

Advertisement

Isbahaysiyada waxaa abuurmay waxaa ka mida midka Madaxweynayaashii hore ee Somalia shariif iyo Farnaajo iyo sidoo kale isbahaysiga Xasan Cali Kheyre uu hogaamiyo.

Xiiso gaara ayay yeelaneysaa xiligaan dagaal siyaasadeedka iyo is jiid jiidka bilowday madaama Dowlada hada jirtaa ay wali afar meelood xitaa laba dhameysan tiiyoo ay sii dheer tahay dabeecada mudo kororsiga oo isna meesha ka marneyn.

Hadaba maxay ku kala duwan yihiin mucaaradkii teeramkii Madaxweynaha uu ahaa Farmaajo iyo teeramka hada uu Madaxweynaha yahay Xassan Sheekh.

ugu horeyn Xasan baa markaas mucaarad ahaa halka uu hada farmaajo mucaaradka ka yahay,tan labaad waxay ku kala duwan yihiin xiligii Farmaajo wa xoogaa xaalku wuxuu iska ahaa jawi dagaal marbaana lagu sigtay in xaalad xun uu dalku galo markii Farmaajo iyo fahad ay qaateen talaabooyin markii danbe hor seeday dagaal  socday in ka badan 15 saacadood inkastoo dagaalku marba meel iyo waqti ahaa walow dalku  jaha wareer ku jiray saacadahaasi faraha badan.

Xiisadaas haliska ah waxay ka dhalatay markii Farmaajo iyo Fahad go’ansadee mudo kordhin 2 sano ah.

Teeramkaan hadana waxaa jirta cabsi kale walow cabsi dagaal aysan ahayn laakiin mid siyaasadeed ay tahay,kuna darsoo siyaasada lafteedu waxay u danbeysaa dagaal.

Cabsida xiligaan ayaa ah mid ka adag tii hore dhanka jahawareerka waana in qorshaha xasan la hadal hayo uu sidiisa u dhaco taasoo ah inuu rabo awooda dastuurka uu rabo Xasan iney u suurtagaliso qorshayaal aan hada la maleysan karin oo dhanka awooda ah iyo habka doorashooyinka ay jiheyn doonto Dowlada Xasan.

Mucaaradka waxay ka cabsanayaan in Xasan sameysto qorshayaal dib u dhigi kara doorashooyinka oo si uun waqtiga uu ugu dheereynsan karo ama uu codadka doorashooyinka ku farsameysan karo waaba hadii doorasho dadweyne laga dhigo sida qorshihiisu yahay,aduuunkana waa ka dhacdaa doodo ka dhashay ku shubasho doorasho ama casriya ku dhacda.

Dowlada Kenya madaxweynihii hore Uhuru Kenyata ayaa lagu eedeeyay inuu ku shubasho sameysan doorashadii dhacday 2017-kii bishii 7-aad taasoo keentay ugu danbeyn in Maxkamad sare oo ka madax banaan Dowlada inay ku dhawaaqdo in doorashaaasi ku celis tahay laguna celiyay walow uu mar kale guuleystay Uhuru kenyata.

Somalia hada malaha Maxkamad ka madax banaan Dowlada Somalia oo jirta taasna waa culeys kale oo ay wajihi doonaan mucaaradka laakiin wax kasta waxa isugu xirnaan doonaan hadii hada baarlamaanka Somalia uu meel mariyo wax ka badalka iyo ansixinta dastuur dhameystiran oo dalku yeesho taasoo cabsida iyo qeylada mucaaradka cirka sii gelin karta.

QORMADA WAXAA QALINKA U QAATAY:
WARIYE SUUD MA-QAATE

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xasan Cali Kheyre Archives - Goobjooge.net: Somali News, Somalia news  Analysis.

Previous articleQorshihii Dagaalka Al-shabaab wejigisa 2aad xagee ku dambeeyaa?
Next articleDHAGEYSO: Duniya Faarax ” hadaa nahay shacabka Puntland Dastuurka raali baan ka nahay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here