Muqdisho, 11 Nofeembar 2023: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashadeyaasha gudaha iyo caalamkaba in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay dedaal ugu jirta soo jiidashada iyo dhiirigalinta maalgashiyo caalami ah, si kor loogu qaado wax soo saarka dalka, taas oo horseedi karta isku filnaansho dhaqaale oo waara.
Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka. Isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka.
Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha.
—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗 —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of table, lighting and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of lighting and daisMay be an image of 1 person, dais and text that says "JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA SHIRKA MAALG CHIGA DHAQAALAHA BULUUGG OOMAALIYA SOMALIA BLUE ECONOMY2 INVEST CONFE ECONOMY-WHYITIS WHY ECONOMY ANT FOR SOMALIA EONA SHIRKA MAALGAS BULUUGGA MINISTR FEDE"May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, lighting, table, dais and weddingMay be an image of 2 people, table, lighting, wedding and daisMay be an image of 5 people and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of 3 people and suit

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here