Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur galbeed oo uu xalay ka da’ay roob mahiigaan ah oo daadad xooggan dhaliyey ayaa sababay in ay kala go’aan xaafadaha Magaalada.

Daadad ka soo rogmaday isha Baydhabo ayaa gudaha u galay xaafadaha Magaalada waxaana dumay guryo badan oo dad shacab ah ay deganaayeen, barakac xoogleh ayaana saaka ka jira xaafadaha qaar sida uu ku soo waramayo Wariyaha Warbaahinta Qaranka.

Advertisement

Dhanka kalena Waddada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa ka go’day deegaan lagu magacaabo Jameeco oo u dhaw Buur-hakaba waxaana halkaas ku go’doonsan gaadiidkii dadweynaha ee labada magaalo u kala safrayey.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

Previous articleMacawisley aagag cusub ka saartay Alshabaab+Sawirro
Next articleXukunka dilkii ka bilowday danaano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here