Nairobi (dayniiile.com)-War maanta ka soo baxay Waaxda saadaasha Dalka Kenya ayaa lagu shaaciyay ineysan waxba ka jirin qaabka loo saadaaliyay dabeylaha la filanaayo ee El-Nino loo yaqaan sida lagu baahiyay raadiyaha StarFM.

Waaxda Saadaasha Hawada ee Dalka Kenya waxay sheegeen inaaney jirin khatar badan sida ku baxay saadaalihii aadka loo buun buunshay ee maalmihii ugu danbeeyay laga hadal hayay warbaahinta Dunida gaar ahaan mida Africa.

Advertisement

Dowlada Kenya waxay amartay dhamaan ismaamulada Dalka inay sii wadaan u diyaar garowga saameynta roobabka la sadaaliyay.

Guud ahaan dalalka geeska afrika ayaa laga saadaaliyay inay wajihi doonaan rooba wata dabeylo iyo daadad sababi kara inay wada butaacaan dhamaan biya galeenada iyadoo looga digay inay is dhigtaan dadka u dhaw wabiyada iyo baddaha iyo meelaha biya-mareenada ah oo ayna dhagaha ka fureystaan digniinaha

Dowlada Soomaaliya marar badan ayay digniinahaan bixisay iyadoo hada  wado olole dhamaan Gobolada dalka looga diyar garoobayo sidii looga feejignaan lahaa roobabkaasi iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleWasiirka Maaliyada oo shir kaga qeybgalay Adis-ababa+Sawirro
Next articleWasiirka shaqada Somalia oo Qaahira kaga qeybgalay Shir ku saabsan horumarinta Shaqada hufan (Decent Work).+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here