Wasiirka Maaliyadda XFS oo Addis Ababa uga qeybgalay Shirka Iskaashiga Wasiiradda Maaliyadda Geeska Afrika.
Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa ka qeybgalay furitaanka shirka 18-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative). Shirkaan ayaa looga hadlay horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalaha dalalka Geeska Afrika kaas oo uu ugu horeeyo fulinta qorshayaasha isku socodka ganacsiga gaar ka ee bulshooyinka dalalkaasi ay maamulaan.
Wasiirka Maaliiyadda Soomaaliya ayaa khudbad kooban oo uu ka jeediyay shirka waxa uu uga hadlay mudnaanta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u leedahay ka qeybgalka shirkaan iyo hirgalinta qorshayaasha iskaashi ee dhanka maalgashiga iyo fursadaha dhaqaale ee dalalka Geeska.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo markii kowaad ka qeybgalaya shirkaan ayaa si diiraan loogu soo dhaweeyee shirka. Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya Mudane Axmed Shide oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Sanadkan ee Iskaashiga Wiisarada Maaliyadda Geeska Afrika ayaa ku boogadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay heer wanaagsan uga gaartay hannaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya ee ECF.
XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA
May be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 7 people, dais and text that says "BOUTI SOMALIA SOUTH SUDAN"May be an image of ‎10 people, rhinoceros and ‎text that says "‎HORN OF AFRICA INITIATIVE و‎"‎‎May be an image of 13 people, dais and textMay be an image of 17 people and textMay be an image of 12 people and text that says "CHAIR DJIBOUTI SOMALIA"May be an image of 2 people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here