New York(dayniiile.com)-Dowlada Mareykanka ayaa codka diidmada qayaxan waxay ku hor istaagtay qaraar-kii ahaa Xabad joojin Bini’aadantinimo oo laga hirgeliyo Gaza  Sida xalay warkii deg dega ahaa aan idinku soo gudbinay markii uu socday shirkii Golaha Amaanka Qaramada Midoobe.

Dowladaha  Ruushka iyo Imaaraadka Carabta oo xubno ka ah 15-ka Dal ee Golaha Amaanka Qaramada midoobe ayaa si adag kaga hadleen talaabada wuxuushnimda leh ee uhu qaaday Dalka Mareykanka.

Advertisement

Safiir ku xigeenka Ruushka ee UN-ka u fadhiya ayaa ku tilmaamey diidmada Mareykanka musiibo usoo hooyatay bariga dhexe iyo Talaabo dil toogasho ah loogu xukumay shacabka reer Gaza.

Safiirka Un-ka u jooga Falastiin ayaa isna sheegay inay musiibo soo korortay isagoona xusay in shacabka reer Gaza ay xaq u leeyihiin in la bad-baadiyo.

Safiirka Imaaraadka ee UN-ka Maxamuud Shihaab  ayaa isna sheegay ineysan aqoon fariin ay u gudbiyaan shacabka falastiin mar hadii aysan u midoobi karin xabad joojinta.

Safiirka UN-ka u jooga Ameerikaanka ayaa fadhiga ka sheegay in qaraarka la soo gudbiyay ee xabad joojinta ay u hor istaageen sababta loogu soo dari waayay Cambaareynta UN-ka ee weerarkii 7-dii Oktober Xamaas ku qaaday Israa’iil.

Ugu danbeyn Safiirka Yuhuida oo aan shirka ka hadlin ayaa markii laga soo baxay saxaafada wuxuu si jees jees ah ugu sheegay in Xabad joojintu dhaqan geli doonto marka ay burburiyaan Xamaas sida uu sheegtay iyo marka ay soo furtaam maxaabiista laga heysto.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleCali Jeyte “sida Ameerikaanku Dunida uga leeyahag saldhigyo Ciidan, Xawaadle waa inuu Hiiraan meelaha ka baxsan ka muuqdaa”
Next articleDEG DEG: Xildhibaanada labada Aqal oo goor dhaw ansixiyay miisaajiyada 2024

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here