Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wadi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania oo ay kaga qayb galayaan Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika.
Shir madaxeedka ayaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliya.
Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo gaar gaar ah la qaato Madaxda ka qeyb galeysa Shirka, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya, iyada oo sidoo kale Wasiirada la socda Ra’iisul Wasaaraha ay la kulmi doonaan dhiggooda wadamada kale ee qeyb galaya Shirka.
Wararka aan helnay ayaa sidoo kale waxaa ay sheegayaan in Xubnaha Golaha Wasiirada eek u sugan dalka Tanzania ay heshiisyo gaar gaar ah la geli doonaan Wasiirada kale, kaas oo ku saabsan arrimaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Arrimo kale.