Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Kulliyadda Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa tilmaamay in xiritaanka tababarkani uu ku soo aadey xilli muhiim ah oo uu dalku ku jiro dagaal lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isla markaana baahi weyn loo qabo ciidan difaaca Qaranka.

Advertisement

“Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad si degdeg ah u howl gashaan isuna diyaarisaan in aad dalkiinna iyo dadkiinna ugu adeegtaan si daacad ah, qaybna aad ka noqotaan dadaallada dalka looga cirib tirayo Al-Shabaab .” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here