Muqdisho, 06 March 2024: Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Saraakiil Kala duwan oo ka socday Dowladda wadanka turkiga waxaana lagu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ee Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga DFS Cabduqaadir Maxamed nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka XDS wafdiga ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.

Advertisement

Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada Badda,Dhulka iyo Masuuliyiin ka Socotay Wasaarada Difaaca Dalka Turkiga.

Ujeedada safarkooda ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dhismaha iyo Qalabeynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo Heshiiskii dhawaan ay wada galeen Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ahaa Heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha.

Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Badda ee XDS Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen Dayax Cabdi cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Previous articleHantidhowraha Guud oo  shir guddoomiyey kulan sanadeedka bah-wadaagta Caalamiga ah
Next articleRa’iisulwasaaraha oo tagay Garoonka kana qaaday xanibaada duulimaadyada gudaha+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here