Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo wehliyo Taliyaha Ciidanka Cirka ee XDS General Maxamuud sheekh Xasan (Dable Baylood) ayaa Booqday Kulliyadaha tababarka ciidamada Dalka Qatar halkaasi oo ay tababar Kala duwan ku qaadanayaan Layli Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaalia.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Warbixino ka dhageystay Macalimiinta tababarka siinaya Layli Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa Saraakiisha tababarka ku qaadanaya Dalka qatar kula dardaarmay in ay si hufan u qaataan Cashirada la siinayo waxuuna xusay in Dalkooda uu ubaahan yahay, muhiimna ay tahay inay ka faa’idaystaan fursadaan qaaliga ah.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa si gaar ah ugu mahad-caliyay Dowladda wadanka Qatar Kaalinta muuqata oo ay ka qaateen dhismaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
=XIGASHO RAADIYAHA CIIDAMADA=
May be an image of 4 people
May be an image of 6 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 10 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people
May be an image of 6 peopleMay be an image of 4 people
Previous articleAskari NISA ka tirsanaa oo dil toogasho ah lagu xukumay
Next articleBooliiska Kenya oo baaraya dil loo geystay haweeney 78 jir ahayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here