BAXDO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanada Galmudug ayaa sheegaya in Sarkaal Alshabaab ka tirsanaa uu isasoo dhiibay galabta.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada oo ku sugnaa Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud ayuu isku soo dhiibay sarkaakaann kadib markii uu xiriri la soo sameeyay.
Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Hanad ayaa sida uu sheegay Alshabaab ka tirsanaa 7 sano balse uu hada go’aansaday inuusan ku sii noolaan karin duurka.
Isla maanta ayay ahayd markii Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koonfur-galbeed ay iska soo dhiibeen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Alshabaab kuwaasoo tiradoodu ahayd 8 dhalinyaro ah.
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

May be an image of 8 people

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze muxuu kala hadlay masuul ka socday Dowlada Seerbiya+SAWIRRO
Next articleDAAWO: Sayid Cali Daa’uud “aniga dhibka i gaaray wax fiirinaya ma leh laakiin waxaa lagu mashquulay dhibka xaaskeyga gaaray”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here