MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Saaka oo Axad ah waxaa Maxkamada racfaanka Gobolka Banadir ka soo muuqday Sayid Cali Daa’uud oo ku eedeysnaa inuu xaaskiisa gubay kadibna  ay u geeriyootay dabkaasi.
Sayid Cali oo Maxkamada Gobolka Banaadir dhawaan ku xukuntay dil toogasho ah ayaa ka qaatay racfaan sidaas daraaddeed ayay saaka ahayd balantii bilaabashada Maxkamada racfaanka.
Gudoomiyaha Maxkamada racfaanka ayaa ugu horeyn su’aalo ka weydiiyay eedeysanaha sababta uu racfaanka usoo qaatay.
Sayid Cali ayaa ku jawaabay inuu cadaalad usoo raadsaday Maxkanda racfaanka madaama sida uu sheegay lagu eedeeyay fal dil ah oo uusan geysan.
“Gudoomiye anoo dhibane ah ayaa la igu sii xad-gudbay oo dhibkii mid kale dusha la iga sii saaray,waxaana la igu magacaabay inaan ahay dilaa xaaskiisa iyo caruurtiisa laayay taasina waa mid aan jirin”ayuu yiri Sayid Cali oo ka jawaabaayay sababtii uu racfaanka u qaatay.
“ma jiraa nin xaaskiisa iyo caruurtiisa dilaayo ,aniga xaaskeyga ma dilin ee waan badbaadinaayay waliba aniga lafteyda ayaa gubtay laakiin dadku kaliya waxay fiirinayaan dhibka xaaskeyfa aniga dhibka u gaaray cid ujeeda maleh”ayuu mar kale  yiri Sayid Cali ..
Maxkanadaynta ayaa wali socota wixii ay ku soo dhamaatana wararkeena xiga ayaan idinku soo gudbineynaa insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleSarkaal Alshabaab ka tirsan oo Galabta isku soo dhiibay Dowlada
Next articleBur dhacay oo lagu qabtay Bakhaar ku yaal suuq-bacaad+SAWIRRO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here