MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-
Hay’ada Taya-dhowrka Soomaaliyeed ayaa xalay gacanta ku dhigtay kunanaan kun loor oo bur dhacay ah.
Burkaan oo lagu sheegay 7 kun loor ayaa waxaa gacan ku siiyay Hay’ada taya dhowrka Ciidamada sirdoonka Qaranka ee NISA iyagoona albaabada isugu dhuftay goobtaasi ganaacsi.
Agaasimaha waaxda kormeerka ilaalinta badeecadaha suuq-yada Maxamuud Cilmi Fiidshe oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in burkaani laga badalay jawaanadii ay ku yimaadeen.
“Burkaani waa mid dhagax noqday oo adkaaday oo jawaanadiina laga badalay,waxaa kale oo burka ku jira bahalada burka gala ee loo yaqaan afdheeraha” ayuu yiri Agaasine Maxamuud Cilmi
Agaasimaha waxaa kale uu sheegay in daba gal ay sameysay Hay’ada taya-dhowrka inay ku ogaadeen shalay bakhaarkaan oo burka looga badalaayay jawaabada sidaasna ay albaabada ugu dhufteen.
“Burka dhacay waan la wareegnay, waana lala xisaabtami doonaa gamacsadaha isla leh goobta ganacsi oo ku taal Degmada Yaaqshiid gaar ahaan suuqa labaad ee Somalia ugu weyn ee suuq-bacaad”ayuu yiri Maxamuud Cilmi Fiidshe.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Sayid Cali Daa’uud “aniga dhibka i gaaray wax fiirinaya ma leh laakiin waxaa lagu mashquulay dhibka xaaskeyga gaaray”
Next articleTaliyaha Booliiska oo sagootiyay Saraakiil Dalka dibadiisa tababar loogu dirayo+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here