DHAKA (DAYNIILE,COM)-Dab xooggan oo ka kacay suuq ganacsi oo lix dabaq ah oo ku yaalla caasimadda Bangladesh ee Dhaka, ayaa dilay ugu yaraan 45 qof, tiro kalena waa ku dhaawacmeen.

Dabka oo qabsaday Green Cozy Cottage Shopping Mall xilli dambe oo Khamiis ah, ayaa ka billowday maqaayad biryani ah oo ku taalla dabaqa koowaad, iyadoo 13 unug oo dabdemiska ah ay ku dadaalayeen muddo laba saacadood ah si ay u damiyaan dabka.

Advertisement

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in inta badan dadka dhintay ay neefta ku dhegtay, iyadoo qaar kalena ay dhinteen markii ay ka boodayeen dhismaha.

Tobaneeyo qof ayaa lagu daweynayaa dhaawacyo gubtay oo yaalla laba isbitaal oo ay dowladdu maamusho.

Sarreeye Guuto Main Uddin, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka dabdemiska, ayaa sheegay in dabku uu ka iman karo gaas soo daatay ama shoolad.

“Waxay ahayd dhismo khatar ah oo dabaq walba saameeyay , xitaa jaranjarooyinka,” ayuu yiri Main Uddin oo ah sarkaal dab-damiska u hadlay

Ehelada ayaa isugu soo baxay cusbitaalka jimcaha maanta si ay u soo qaataan meydadka dadka dhintay, iyadoo qaarkood ay baroor diiqayeen meel ka baxsan qeybta gargaarka deg dega ah.

Wasiirka caafimaadka Samanta Lal Sen ayaa warbaahinta u sheegay in uu filayo in tirada dhimashadu ay kor u kacdo.

Ra’iisul Wasaare Sheikh Hasina ayaa naxdin iyo murugo ka muujisay dhacdadan, iyadoo ku amartay mas’uuliyiinta inay si deg deg ah ula tacaalaan dhaawacyada.

Dawladdu waxay samaysay guddi ka kooban shan xubnood oo baadhitaan ku sameeya dhacdadan.

SOURECE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA

People watch as firefighters work to contain a fire that broke out at a commercial complex in Dhaka, BangladeshBANGLADESH RANA PLAZA ANNIVERSARY

Previous articleIsraa’iil oo xasuuqday shacab reer Gaza ah oo raashin saf ugu jirey
Next articleFarmaajo oo soo gaaray Muqdisho kana hadlay ujeedka socdaalkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here