GAZA (DAYNIILE.COM)-Wararkii ugu danbeeyay ee laga helay marinka Gaza ayaa sheegaya in Ciidamada Isra’iil xasuuq ba’an gaysteen saacadihii ugu danbeeyay markii ay laayeen shacab gaajeysan oo saf ugu jirey raashin loo qeybinayay.

Ugu yaraan 104 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarkaasi markii si ula kac Yuhuduu rasaas ugu fureen shacabkaasi.

Advertisement

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ka hadlay wuxuna sheegay  inay hubinayaan sida weerarku u dhaceen isagoona shaki gelinaayay madaama uu sida hoose ula socdo kuna qanacsan yahay xaquuqa shacabka muslimiinta balse hadalka diblomaasiyada uu isaga dhigaayo inay raali ka ahayn.

Wasaaradaha arrimaha dibedda, kooxaha gargaarka iyo ururada xuquuqul insaanka ayaa cambaareeyey xasuuqa foosha xun ee Israa’iil ee lagu dilay in ka badan 100 qof oo sugayay inay helaan gargaar cunto oo degdeg ah waqooyiga Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in afar carruur ah oo kale ay gaajo iyo fuuq ugu dhinteen waqooyiga dhulka Falastiin.

Weerar toogasho ah oo ka dhacay deegaanka la haysto ee Daanta Galbeed ee Ceel ayaa waxaa ku dhintay laba Israa’iiliyiin ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleWaxaan kuu sheego yeel, waxaan sameeyo ha sameeynin.
Next articleSAWIRRO: Dab ka kacay daar ganacsi oo ku taal Dalka Bangaladhesh oo sababay dhimasho badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here