QORE: YAXYE SHEEKH CAAMIR
Khud Cilmii…….
Carabtaa tiraa ( khud Cilmii, walaa ta’khud Camalii). Waxaan kuu sheego yeel, waxaan sameeyo ha sameeynin.

Somalidaa tiraa: Gacantii aadan gooy karin waa la shumiyaa, hadaadan shumi karin waa la salaamaa, Hadaadan Samaali karin, waa la isku jilciyaa, Lagana sikadda.

Ardaga damiirka leh ee aan daneeyneyn Diblomaasiyadu, mar mar ayuu khilaafaa Ficilka Macalinkiisa. ( F.S: 1aad)
Islaamku waxa uu na farayaa in aadan Haween kaa Ajnabi ah Jirkeeda Taaban, hadeeyna jirin sababo khaas ah sida in aad Nafteeda badbaadinee.

Laakin Siyaasiyiinta Qaar Aayadda waa siyaasadeeyaan, iyagu waa salaamaan Haddiiba Dan aduunyo laga leeyahay.
( Kuwaan kaliya ma ahan ee Madaxda Somalidaa u badan oo badankoodu Hab ayeey siiyaan Hablaha ka Ajnabiga ah).

Haddii aad weeydiiso Aayadda si ayeey kuugu macneeynayaan, ficilkooduna waa ka duwan yahay. Madaxda kaliya ma ahan ee Annga shacabkaa iyo Culimadda qaar ayaa mar mar is hilmaano oo ku daysado Madaxdeena aaminsan, lajiifiyaana banaan haddiiba Dollar iyo Dirham laga hadlaa.
( Aakhiro Samaan, Siyaasadda iyo Xilalku wax badan ayeey isku walaaqeen)
Jimca wanaagsan.
FG:wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore : Yahya Amir
May be an image of 5 people
Previous articleFarmaajo oo Muqdisho soo gaaray
Next articleIsraa’iil oo xasuuqday shacab reer Gaza ah oo raashin saf ugu jirey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here