MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Siyaasigaan oo dhanka kalana ka mida xukun doonayaasha sanadkaan ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayay noqoneysaa markii ugu horeyay uu dalka ku soo laanto tan iyo inii uu xilka ka degay laba sano ka hor.

Advertisement

Farmaajo wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada Soomaaliya islamarkaana sida weyn uga soo horjeeda siyaasada wax ka badalka dastuurka iyo dhameystirkiisa gaar ahaan qaabka ay u mareyso dowalada Madaxweyne Xasan.

Farmaajo oo isbahaysi siyaasadeed kula jira Madaxweynihii hore ahna Xildhibaan Golaha Shacabka Shariif Sheekh Axmed waxaana lagu  wadaa inay maalmaha soo socda si wada jira ah Muqdisho uga wadaan ol-olahooda siyaasadeed ee ay kaga soo horjeedaan siyaasada Madaxweyne Xasan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

..

Previous articleDuqa Muqdisho oo xalay casho sharaf u sameeyay masuuliyiin ka qeybgalay wadatashiga wax ka badalka Dastuurka+SAWIRRO
Next articleWaxaan kuu sheego yeel, waxaan sameeyo ha sameeynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here