Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar Casho sharaf ugu sameeyey mas’uuliyiin ka kala socday Baarlamaanada Maamul Goboleedyada dalka, Wasiiradda Dastuurka Maamul Goboleedyada & Gobolka Banaadir, Guddiga Madaxa banaan ee arrimaha Dastuurka iyo xubno kale oo Magaalada Muqdisho ugu soo gaba-gaboobay La-tashiga ku aadan soo jeedinta wax ka badalka cutubyo ka tirsan Dastuurka dalka.

Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalin, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir, Xoghayaha Guud ee Maamulka G/Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale oo isugu jira heer Federaal, Maamul Goboleed iyo Gobolka Banaadir.

Duq Muqdisho oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa halkaasi ka jeediyay ayaa boogaadiyay La-tashiyadda ku aadan soo jeedinta wax ka badalka Cutubyo ka tirsan Dastuurka dalka. Waxa uuna sheegay in la joogo xilligii miiska lasoo saari lahaa xuquuqda Gobolka Banaadir iyo Maqaamka Muqdisho.
—DHAMMAAD—
May be an image of 2 people, people smiling and daisMay be an image of 2 people, people smiling and daisMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 2 people, people smiling and daisMay be an image of 2 people and people smilingMay be an image of 1 person, beard and smilingMay be an image of 3 people, people smiling and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 people, beard and people smilingMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, beard, suit, newsroom, dais and textMay be an image of 2 people, beard, people smiling and glassesMay be an image of 9 peopleMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person, beard and lightingMay be an image of 6 people and beardMay be an image of 2 people, beard and people smilingMay be an image of 4 people, headscarf and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom and text that says "HO SHAP KA LA MEEY AD ANA"May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, suit and textMay be an image of 1 person, beard, smiling and newsroomMay be an image of 3 people and textMay be an image of 8 people and suitMay be an image of 3 people and lighting
Previous articleAf-hayeenka Booliska “Afduubkii iyo Dilkii Ganacsade Abuukar Kabax waxaa u xiran 7 qof oo uu ku jiro Taliye Saldhig”
Next articleFarmaajo oo Muqdisho soo gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here