CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)- Iskaashi ay sameeyeen Ciidamada Milatariga Dowlada Somalia iyo macawisleyda deegaanka ayay maanta ku soo qabteen sarkaal ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Sarkaalkaan ama hor-joogahaan oo lagu magacaabo Saciid Cali Gacamey ayaa laga soo qabtay agagaarkad deegaanka Geerile oo hoostaga magaalada Ceeldheer.

Advertisement

Saraakiisha Dowlada ee ka howlagala Gobolka Galgaduud ayaa laga soo xigtay in sarkaalkaani dhibaato ku hayay shacabka Magaalooyinka Gal-cad iyo Ceel-dheer,Sidoo kale waxay ku eedeeyeen inuu si dhaw ula shaqeyn jirey Alshabaab.

Saraakiisha Dowlada ayaa dhanka kale mar ay ka hadlayeen sida lagu soo helay waxay shegeen in mudo lagu raad joogay  taaasina ay suurtagalisay soo qabashadiisa.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleNin hubeysan oo yuhuud ku laayay koonfurta Israa’iil
Next articleGudoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Madax sare oo Mareykan ah+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here