Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh.Aadan Madoobe) ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay shisheeye amarkiisa ka fuliyaan gudaha dalkeena Soomaaliya.
Advertisement
Gudoomiyaha wuxuu xusay in asal ahaan magaca Alshabaab uusan ahayn fikir dhalinyaro Soomaaliyeed ay keeneen balse ay shisheeyuhu noo keeneen.
“ Magaca Alshabaab iyo dhaqankooduba maaha fikir Soomaali ee waa fal-safad nooga timid banaanka si dadnimadeena loo dilo”ayuu yiri Sh.Aadan Madoobe.
Gudoomiyaha wuxuu sidoo kale sheegay in dhaqaaaha kooxdaan iyo hagidoodaba laga maamulo dalkeena banaankiisa.
“Kooxdaan ujeedkii dalkeena looga aas’aasay ayaa ah falsafad la doonayo in mustaqbalka iyo dadnmadeena lagu dilo”ayuu mar kale yiri Gudoomiyaha
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM