Sheekh Cali Wajiis oo ka mida Culumada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay hadal maanta ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Puntland kaasoo uu ku sheegay in Shiikhu uu fatwooday in Dowladu ku duusho Puntland.

“Puntland  waxaa  lagu soo qaaday duullaan diimeed”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir xili uu eedana dusha ka saaray Sheekh Cali Wajiis oo uu ku sheegay inuu fadwooday in lagu duulo Puntland lana soo qabto madaxweynahooda.

Advertisement

Sheekh Cali Wajiis ayaa eedaas ka jawaabay xili uu BBC la hadlayay wuxuuna tilmaamay inuusan isagu ka hadlayn wax ku saabsan Puntland balse kaliya uu fikirkiisa ku cabiraayay nidaamka dowladdeed ee dalka.

“Waa nasiib darro, in masuul hadal beena oo raad lahayn u qasdo oo waliba dad ugu khudbeeyo,” ayuu ku yiri Sh. Cali wajiis wareysiga BBC-da laanteeda Afka Soomaalida uu siiyay.

 “hadafkaygu ma ahayn Puntland, kaliya faderaalka iyo qeynuunka habkuu u kala maareeyo ayaan ka hadlaayay” ayuu mar kale yiri Shiikha.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleWasiirka cusub ee Amniga oo xilka lagu wareejiyay
Next articleMadaxweynaha oo la hadlay Ciidamo furimaha dagaalka ku sii jeeda+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here