Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo diiran oo ku aaddan in maanta Dalkeenu si rasmi ah u noqday xubin ka tirsan Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Qoraalka kasoo Baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ayaa lagu yiri “Waa guul usoo hoyatay Soomaaliya oo ku aaddan kusoo laabashada saaxadda bulshada caalamka iyo la hawl galidda dariskeeda”.

Advertisement

Shirkii 23-aad maanta uu yeeshay Urur Goboleedkaan Bariga Afrika islamarkaana uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta loogu codeeyay Soomaaliya inay ka mid noqoto Ururkaani oo dhaqaale ahaan iyo socdaal ahaanba Dan u ah Soomaaliya.

Previous articleNin Ganacsade ah oo aano qabiil loogu dilay Galmudug
Next articleKalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Somalia oo Maanta lagu wado inuu furmo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here