No description available.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay munaasabad uu xilka Kula wareegaayay Wasiirka cusub ee Wasaarada Amniga Sanatar Fartaag.

Advertisement

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisulwasaare xigeenka Saalax Axmed kaasoo xilka u kala wareejiyay ku simihii wasiirka amniga Mr Xagaa iyo Wasiirka cusub Mr.Fartaag.

Kusimaha Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye  oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qeybgashay ayaa amaanay shaqada Wasaaradda Amniga.

Wuxuu sheegay Gudoomiye Nuur Axmed in gudigooda loo gudbiyay shan sharci oo ka yimid Wasaarada Amniga islamarkaana ay ansixiyeen 4 ka mida.

Wasiir Xagaa ayaa isna munaasabada ka sheegay in Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga ku garab taagan yihiin shaqada loo idmaday

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac oo isna hadalo ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in  Madaxda Qaranku kalsooni badan ay ku qabaa  magacaabista Wasiirka Amniga

Ugu danbeyn Wasiir Fartaag ayaa tilmaamay in war badan uusan wax tareyn iskamarkaana ay shaqo badan u taal.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

No description available.

No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.

Previous articleWararkii ugu danbeeyay Israa’il,Falastiin iyo Iiran
Next articleSh.Cali Wajiis oo ka hadlay warkii Maamulka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here