Golaha wasiirada dagaalka ee Israa’iil ayaa dib u shiray maanta iyagoo ka doodaya sidii looga jawaabi lahaa weerarkii tooska ahaa ee abid ay Iran ku qaado cadawgeeda soo jireenka ah.

Ciidamada Israa’iil ayaa mar kale duqeeyay xerada qaxootiga ee Nuseirat ee ku taalla bartamaha Qaza, halkaasi oo ay ku dileen shan ruux  iyo tobaneeyo ay dhaawaceen.

Advertisement

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa  kulan ka yeeshay weerarka aargoosiga ah ee Iran ay ku qaaday Israa’iil.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in xiisadda la dejiyo, wuxuuna sheegay in dunidu aysan awoodin dagaal kale oo ka dhaca Bariga Dhexe.

Ugu yaraan 33,797 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 76,465 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDAAWO: Maxaa ka jira in Somaliland weerar ku tahay SSC Khaatumo
Next articleWasiirka cusub ee Amniga oo xilka lagu wareejiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here