HARGEYSA (DAYNIIILE.COM)-Qaar ka mida Bulshada ku dhaqan Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland ayaa maanta sameeyay isu soo bax ay uga soo horjeedaan Talaabadii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu Itoobiya ugu saxiixay dhul Badeed Soomaaliyeed.

Shacabka ayaa muujiyay dareenkooda iyagoo eed iyo Cambaareynba dusha uga tuuray Muuse Biixi.

Advertisement

Waxyaabaha ay sida weyn shacabku ugu eedeynayeen Muuse Biixi waxaa ka mid ahaa inuu hore dhul u bixiyay hadana uu doonayo inuu Badda ku daro, balse waxay muujiyeen inaysan aqbali doonin damacaas.

Shacabka waxay tilmaameen inay dhulkooda ka difaaci doonaan Itoobiyaan iyo xita Muuse Biixi.

Gabar ka mida dadka banaan baxaayay ayaa sheegtay inay xitaa dhagax ku dagaalami doonaan sidoo kalana Muuse Biixi ay Maxkamad soo taagi doonaan.

“Muuse nama matalo anaga raalina kama nihin waxa uu wado, aaway qaramada midoobe,Badda waxaa leh dadka ku nool raas casyr iyo raaskanbooni inta u dhexeysa”ayay tiri haweeneydaaasi.

Previous articleAniga iyo Abii
Next articleSAWIRRO: Xulka Galmudug oo Galabta guul cajiiba ka gaaray kulankii Juballand

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here