Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muddada ka dhiman sanadkaan 2023 ee ah 5ta Bil ay Dowladdiisa kusoo gabagabeyneyso 5 qodob oo miisaan culus leh.
Qodobka 1aad: La dagalanka ‘AS’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu tilmaamay in Dowladda Federaalka oo kaashaneysa Dowlad-Goboleedyada hoostaga in ay xoogga saartay dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay weli ku sugan yihiin.
Gabagabeynta wajiga 1aad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo guda-gelista qaybta 2aad ayuu shaaciyay in ay udub-dhexaad u noqon doonto in Dowladda Federaalka ay ku dhawaaqdo in guud ahaan Dalka laga saaray ‘AS’ waa sida uu hadalka u dhigay.
“Dalka in Shabaab laga xorreeya ayaa koow ah, Soomaaliya, sanadka inta ka dhiman ama dhulka Shabaab ayaa la weynaa ama meelo yar yar oo aan hortaaganahay oo dadka Soomaaliyeed wax u dhibi Karin buu kusoo haraa laakiin waxa aan qabaa in la waayo oo Soomaaliya laga waayo” ayuu yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Qodobka 2aad: Dhammeystirka Dastuurka KMG ah.
Hiigsiga labaad ee Dowladda Federaalka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in diiradda la saarayo dhammeystirka dastuurka qabyada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dheer howshiisu socotay.
Dhammeystirka Dastuurka ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku tilmaamay mid ku xiran Dadka sidaas awgeed Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii loosoo gabagabeyn lahaa si uu u noqdo Dastuur Dhammeystiran.
“Dastuurka KMG ah oo 11ka sano kumeel-gaarka ah in uu dhammaado ayaan rabnaa, in uu dhammaado wax ay nooga xiran tahay ma jirto ee annaga ayay nagu xiran tahay, haddii ka tashano oo Shacabka taladoodu lagu daro oo qodob-qodob u qaadano oo aan dhammeyno ayaan rabnaa haddii alle yiraahdo” Xasan Sheekh Maxamuud.
Qodobka 3aad: Cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay dooneyso in laga qaado cunaqabataynta hubka saaran oo ka dhigtay waddankii ugu muddada dheeraa ee xayiraad intaas la eg saarto Qaramada Midoobay.
Sababta Soomaaliya loo saaray ayuu ku sifeeyay in laga cabsaday oo dunida inteeda kale qalqal ama cabsi xooggan geliso balse hadda looga gudbi karo taariikhdaas dheer si loosoo afjaro in wadajir la isku kaashado waa sida uu hadalka u dhigay.
“Cunaqabataynta hubka in nalaga qaado, taariikhiyan waa cunaqabatayntii ugu waqtiga dheereed inta ay jirto jamciyadda quruumaha ka dhaxeysa, sababta nalo saaray waa nalaga cabsaday in aan oo halis ama qalqal gelino adduunyada halis gelino oo qoriga Askariga Soomaaliyeed la siiyay cirtoogte laga soo helo” Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Qodobka 4aad: Geedi socodka Dayn Cafinta Soomaaliya.
Qodobkaan oo ah mid muhiimad gaar ah leh ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay mid loo maray tallaabooyin kala duwan oo looga gudbayo shuruudaha la hordhigay si Daynta looga cafiyo.
Si loo helo arrintaan ayuu sheegay in la hagaajiyay hay’adihii ku shaqada lahaa oo waxa ay sidoo kale carrabka ku dhuftay in Dowladda Federaalka dagaal adag la gashay Musuqa si dhaqaalaha gacantooda soo gala uu u noqdo mid meel aamin ah yaalla.
“Qodobka afaraad waxa uu yahay in Daynta nalaga cafiyo, waan soo billownay oo Hay’adihii ayaan soo dhisnay ma aanay lahayn, waxaa kamid ah arrinta aan ku dhaqaaqnay ee la dagaalanka Musuq-maasuqa, waxaa nalaga rabaa in aan yeelano mas’uuliyad lagu ilaalinayo hantida” Madaxweynaha 10aad ee JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Qodobka 5aad: Ka fogaanta muddo kororsi marka uu dhammaado muddo xileedka MW JFS.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodobka 5aad ka dhigay in Dowladda ay waqti hore ka shaqeyneyso sidii loo diyaarin lahaa Doorasho si aanay u dhicin in waqtiga dib looga dhaco.
Waxa uu meesha ka saaray in uu muddo kororsi damacsan yahay isaga oo tilmaamay in dhammaan lawada ogyahay saameynta taban ee ka dhalan karta oo Soomaalidu horay usoo aragtay balse kahor muddo xileedkiisu inta uusan dhammaan uu Doorasho qabanayo waa sida uu hadalka u dhigay.
“4-sanaa joogtaa, Xasan Sheekh ayaa lagu yiraah, afar sano maalintii ay dhammaato 15ka May ayaa la doortay waa in marka la gaaro la doortaa Madaxweynihii ku baddeli lahaa ama dib laguu doortaa sidaa doonto yeel laakiin haddii aan segsaago oo aan dhaho Doorasho lama qaban karee sanad ama labo sano ayaan u baahanahay ee aan inta lasoo istaago, hala isdilo waaye oo Soomaali way diiday, Ninkii ku dayanaya waa doqon waana sababta keentay in sanadka ugu horreeya in aan ka hadalno Doorashada oo aan ka hadlin 6da bil u dambeysa” Sidaasi waxaa yiri MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladdiisa ay xoogga saareyso dhaqangelinta qodobada horyaalla ee kala ah dhinacyada Amniga, Siyaasadda, Dastuurka, Dayn Cafinta, la dagaalanka Musuqa & kuwo kale.