MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shil gaari oo sababay dhimasho islamarkaana aad u naxdin badnaa aya ka dhacay isgoyska Juba ee Magaalada Muqdisho.

Gaari xamuul ah oo siday kunteenar ayaa ku dul habsaday gaari caasi ah oo ah nuuca dadweynaha qaada balse dad badan muusan sidin.

Darwalka oo ka bad baaday ayaa wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay in 4  qofood oo uu siday dhamaantood ay ku dhinteen shilka markii uu caasiga isku malaasay gaariga xamuulka ahaa.
Dhanka kale waxaa goobta gaaray oo gurmadna fidiyay ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada.

Shilkaasi wuxuu ahaa mid ka mida shilalkii ugu naxdinta badnaa sidoo kalana waxyeeladuna ay badan tahay.

Advertisement
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 8 people, car and text
Previous articleGudoomiyihii Degmada Boondheere oo xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub
Next articleDowlada oo sheegtay in ka badan 80 Alshabaab ah lagu dilay howlgalo ciidamadu fuliyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here