Muqdisho, Maarso, 11,2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 24-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS.
Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ayaa guda galay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah oo ka hadlaya matalaadda shacabka.

Cutubkan oo ka kooban afar madax ayaa maanta waxaa ka doodistooda la furay madaxa koowaad ee mabaadii’da guud ee mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo Xildhibaannada Labada Aqal ay soo jeediyeen aragtidooda ku aaddan qodobada 48-aad illaa 53-aad ee Cutubka Afaraad madaxyadiisa koowaad iyo labaad
Doodda Cutubka Afaraad oo sii socon doonta maalmaha soo socda ayaa waxaa isku diiwaan geliyay in ka badan boqol mudane, taas oo muujinaysa muhiimadda cutubkaan uu leeyahay, iyadoo Guddiga La-Socodka Dastuurkana ay diiwaan geliyeen dhammaan hadal qoraallada iyo Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray fadhiga maanta ayaa sheegay in Xildhibaano badan ay dooda ay u dhiman tahay in laiskugu soo laabto kulanka xiga.

DHAMMAAD
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and eyewearMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 people and people studyingMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 people and beardMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 10 people and dais
Previous articleTaliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Xildhibaan Xaadoole oo la afuray ciidamada amniga Xamar+SAWIRRO
Next articleMaxay Dowladu uga aamustay Jabka ciidamada dowlada ka soo gaaray Koonfurta Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here