Isniintii  waa laga soonaa Magaalooyin Somaliya iyo Caalamka ah, Qaar kalena lagama Soomin.

Somaliyana khilaafkii Siyaasaseed ayaa Saameeyay Ramadaankii.

Advertisement

A.Wasiirka Cadaalada Puntland. Sh. Maxamed Cabdiwahaab oo ay hareero fadhiyaan qaar ka mid ah culimada Garoowe oo ay isku aragtida yihiin, ayaa ku dhawaaqay in aan Puntland laga arag bishii Ramadaan isla markaana aan laga soomi doonin maalinta Isniinta. ( F.S:1aad)

B. Wasiirka Awqaafta iyi Arimaha Diinta ee Dowladda federaalka Sh. Mukhtaar Rooboow oo ay Hareera Fadhiyaan Culimadda ay isku Aragtida yihiin ayaa ku dhawaaqay in Bisha Ramadaan ay bilatay Ramadaankuna uu bilaawday Isniintii doraad ( F.S: 2aad)

Waa maxaay Sababata khilaafku.

1. Khilaafka labada maamul iyo Qodobada Dastuurka oo saameeyn ku yeeshay Ramadaankii.

2. In Wasaaradaha Diinta ee wadamada Carabta ee aan Taageerada ka helno ay Soomka isku khilaafeen anaguna aan la kala safanay wadamadaa Carbeed.

3. In Culmada laba wasaaradood iyo Taageerayaashoodu ay isku diidan yihiin, Aragtiyo Diimeed.

4. In Madaxda labada wasaaradood ay kala Qabiil yihiin isla markaana ayna isku raaci karin Ramadaanka.

FG: waa iga talo, yaan Ramadaanka la siyaasadeeyn.

Qore:Yahya Amir

Previous articleMaamulka Jubaland oo qabtay Nin hore gaari ula goostay dhanka Alshabaab
Next articleWasiirkii Maaliyada Puntland oo xilka ku wareejiyay wasiirka cusub+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here