NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Soomaali-Kenyan Darawal gaari ahaa ayaa Saaka meydkiisa laga helay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya gaar ahsan Eastleigh Section 3.

Allaha u naxariistee ninkaani Soomaaliga ah ayaa laga helay gaari yar dhexdiis kasoo uu ku fadhiyay booska darawalka isagoo meyd ah.

Advertisement

Dadweyne badan ayaa isku soo baxay kuwaasoo eegayay meydka gaariga laga dhex helay walow markii danbe ciidamada booliiska yimaadeen kuwaasoo la wareegay meydka.

Booliiska waxay xirteen halkii uu yiilay gaariga meydka laga helay oo ahayd laamiga dhiniciisa madaama parking ku jirey,waxayna bilaabeen baaritaano.

Lams yaqaan waxa sababay geerida ninkaani soomaaliga ah balse waxaa warbixin laga sugayaa booliiska.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMashruuc si Samafal ah arraga loogu fiiqayo boqolaal qof oo ka socda Isbitaalka Dalmar
Next articleUser How to Set Up Your Amazon Kindle A Step-by-Step Guide

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here