Isbitaalka taqasusiga & tacliimiga ah ee DALMAR oo ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si habsami leh uga socda howlo isugu jira, baaritaano, daweyn iyo indho-fiiqid bilaash ah oo loo sameynayo boqolaal qof oo danyar ah.

Gudoomiyaha heyadda Al-Nur Foundation ahna ahna agaasimaha Isbitaalka dalmar Prof.Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in dadka ka faa’iideystay mashruucan samafalka ah ay badankood ka kala yimaadeen xeryaha barakacayaasha Muqdisho, aysana jirin wax lacag ah oo laga qaaday.

Advertisement

“Isbitaalka Dalmar waxaa ka socda howlo isugu jira, baaritaanno, daweyn iyo indho fiiqis samafal ah oo soo socday illaa bishii hore, maalintii shanaadna lagu guda jiro howshii qaliinka, dadka ka faaiideystay waxaan ka soo kala xulnay xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho iyo nawaaxigeeda sida degmooyinka Hodan, Wadajir, Garasbaaley, Dharkeynley, Heliwaa, Kaaraan, Yaaqshiid, Ceel macaan, degaanka Abaay dhaxan iyo dadka danyarta ah ee Isbitaalka yimaada oo aan ku darnay” ayuu yiri agaasimaha.

Dr. Dalmar ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu socdo mashruucan samafalka ah iyo heyadaha iska kaashaday.

“Waxaa Mashruucan fulinaya heyadda Al Nuur Foundation, iyadoo lagu fulinayo Isbitaalka Dalmar, waxaana nagala qeyb qaadanaya Jaamacadda Benaadir, Isbitaalka Al Shifa Trust Eye Hospital ee dalka Pakistan oo inoo soo diray dhaqaatiirta nagala shaqeynaya Mashruucan iyo hay’adda COMSTECH ee ifadhigeedu yahay dalka Pakistan. ” ayuu yiri Prof. Dalmar.

Waxaa uu intaas ku daray in howshan samafalka ah ay soo socotay muddo todobaadyo ah iyadoo dadka loo kala saarayey kuwa daaweyn u baahan iyo qaar uu qaliin u soo baxay, wuxuuna xusay in qaliinka indho fiiqista uu bilowday 2dii bishan Maarso sanadka 2024, uuna socon doona illaa 10ka isla bishan Maarso.

“Waxaa mashruucan ka faa’iideystay dad gaaraya 5,680 oo loo sameeyey baaritaan Okiyaale iyo daweyn bilaash ah, welina wey socotaa, iyadoo qaliin dhinaca Indhaha uu u soo baxay illaa 520 qof, kuwaasoo qeyb ka mid ah loo sameeyey, qeybaha kalena maalmaha soo socda ayaa indhaha loo fiiqi doonaa,” ayuu intaa ku daray Dr. Dalmar.

Waxaa uu sheegay in Qaliinkan socda uu yahay mid casri ah oo indhaha aan la toleyn, lana dhaqaayo isla markaana uu yahay nooca qofka marka qaliinka la dhameeyo uu horey ka soconaayo wuxuuna tilmaamay in si weyn loogu guuleystay.

Agaasimaha Al-Nuur Foundation Dr. Dalmar ayaa xusay in mashaariicdan noocan ah ee samafalka ah ay soo wadeen muddo ku dhow 20 sanadood, ayna ka faa’iideysteen kumanaan qof  isagoo u mahad celiyey dhamnaan heyadaha ka qeyb qaadanaya mashruucan, shaqaalaha Isbitaalka Dalmar iyo intii kale ee gacanta ka geysatay fududeynta iyo taaba gelinta howshan samafalka ah.

Dr Abdirashid oo ka tirsan dhaqaatiirta ka socota dalka Pakistan ee fulinayey mashruucan ayaa sheegay in Somalia ay ka mid tahay dalalka ugu badan caalamka ee indha la’aantu ay ka jirto sidaas awgeedna ay u doorteen iney ka qeyb qaataan fulinta mashaariicda noocan ah, isagoo ka mahad celiyey sida isaga iyo kooxda la socota loogu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danyarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u mahad celiyey maamulka isbitaalka Dalmar iyo heyadihii kale ee gacanta ka geystay howshan.

Mashquul fara badan ayaa maalmahan laga dareemayaa Isbitaalka Dalmar iyadoo ay soo buuxiyeen dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween kuwaasoo loo sameynayey qaliimo bilaash ah, iyadoo shaqaalaha isbitaalkana ay wadeen howlo ay ku baxnaaninayaan bukaanada indhaha loo qalo iyo kuwa loo diyaarinayo qaliinka intaba.

Previous articleAaska Meydka Luul C/casiis oo Saaka Muqdisha ka socda
Next articleNin Somali-Kenyan ahaa oo Saaka meydkiisa laga helay gaari dhexdiis

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here