Iyadoo laba nin oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq ay shalay ku gubeen kitaabka Qurโ€™aanka Kariimka ah bannaanka dhismaha baarlamaanka Sweden, ayaa xildhibaanad Leyla Cali Cilmi oo ka tirsan baarlamaanka dalkaasi waxay sheegtay in wax laga xumaado ay tahay beegsiga lagu hayo diinta Islaamka.

Waxay sheegtay inay u muuqato in dowladda Sweden ay raali ka tahay ficilladaan lagu gubayo Qurโ€™aanka Kariimka ah, iyadoo intaa ku dartay in mar walba masโ€™uuliyiin sar sare oo Swedish ah ay af lagaaddo u gaystaan Muslimiinta.

Advertisement

Xildhibaanadda oo ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegtay in tani ay tahay cunsuriyad ka dhan ah dadka Mauslimiinta, waxaana sidoo kale jira sida ay sheegtay arrimo siyaasadeed.

Previous articleBangiga Adduunka oo ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $75 Milyan.
Next articleSSC- Khaatumo oo yeelatay hogggaan rasmi ah oo doorasho ku yimid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here