Guud ahaan dadka Soomaaliyeed dal iyo dibad waxaa muuqata in khilaaf uu ka jiro bilashada bisha Ramadaaan ee sanadkaan 1445 Hijriyo iyo miilaadi 2024.

Saaka oo isniin ah waxaa loo kala qeybsamay dhinaca ugu yara badan oo Ramadaanku kow u yahay iyo qeybo kale oo diiday sidaas daraadeed saaka shacbaan uu u yahay.

Advertisement

Dowlada Somalia ayaa xalay Muqdisho kaga dhawaaqday in Ramadaankii dhashay waxaana wasaarada awqaafta iyo arimaha diinta ay dhaarisay nin Jamaal la yiraahdo oo sheegay inuu ku arkay Awdheegle oo ka tursan Gobolka Bay.

Sidoo kale Nairobi Soomaalida ku dhaqan ayaa ku kala qeybsan iyadoo xalayba taraawiix laga tukaday masaajida dhanka wahaabiyada halka masaaiida suufiyada qaarkood Shacbaan u tahay Saaka islamarkaana xalay aan laga tukan taraawiix.

Sheekh amal oo ka mida culumada ugu caansan ee wahaabiyada kuna sugan Nairoobi ayaa si cad u sheegay inaysan arag wax bisha sheegaya balse ay ku soomayaan aragtida caalamul Islaam gara ahaan sacuudiga.

Dhanka kale Maamul Goboleedyada Dalka marka laga reebo Puntland iyo Somalialnd inta kale Ramadaanka way ku dhawaaqeen oo madaxdoodu hambalyo ayay direen,inkastoo magaalooyin ka mida maamul goboleedyada sida Galmudug laga sooman yahay.

Si kastaba maaha markii ugu horeysay oo Soomaalidu isku khilaafto dhalashada bisha Ramadaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleGudiga Somaliland ugu qaabilsan heshiiskii Itoobiya oo booqday xeebta Lug-haye
Next articleXildhibaanada Soomaaliyeed ee Puntland ka soo jeeda maxay kala hadleen Madaxweyne Xasan iyo Xamze

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here