Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka  Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxuyidiin ayaa la kulmay saraakiil sare oo katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladda kala guurka amni ee Soomaaliya, gaar ahaan wajiga labaad ee soo socda ee dhimista ciidamada ATMIS.

Advertisement

Intii uu socday kulanka madaxa xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Akacyira ayaa waxay xaqiijisay sida ay uga go’an tahay UNSOS in ay u fidiso taageero dhinaca saadka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaan ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa isku xirka fulinta Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687(2023), Kaasoo sheegaya waajibaadka bixitaanka ciidamada ATMIS.

Kulankan ayaa yimid, iyadoo dowladda Soomaaliya isku diyaarinayso dhameystirka wajiga labaad ee howlgalka xoraynta degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay un taageero ay uga baahan tahay Saaxiibada  caalamiga ah oo ay QM ugu horrayso, si ay ciidamada Soomaaliya awood ugu yeeshaan inay Alshabaab ka saarto degaanada ay maamulaan

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Dhuusomareeb, halkaas oo noqotay taliska laga hagayo dhameystirka wajiga koowaad ee howlgalka iyo bilowga wajiga labaad.

Previous articleMaxaa kasoo baxay shirka looga arrinsaday howlgallada Militari ee lagu wajahayo Bariga Gobolka Galgaduud?
Next articleTaliska Booliska Soomaaliland oo Faah Faahiyay dagaal ka dhacay buurta gacan Libaax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here