Taliyaha Booliska Somaliland Maxmed Aadan  Saqadhi ayaa ka hadlay dagaal shalay ka dhacay gobolka Saaxil.

Taliyaha Booliska Somaliland ayaa sheegay in dagaal ka dhacay deegaanka loo yaqaan Go’da oo dhex-maray Jabhadda Buurta Gacan Libaax iyo ciidanka Somaliland, lagu diley 9 askari, lagana dhaawacay 17 kale oo ka mid ah ciidamada dowladda.

Advertisement

Taliyaha Booliska Soomaliland  booliiska ayaa sheegaya in jabhadu ay si gaadmo ah usoo weerartay ciidanka oo ku sugnaa goob dhawaan la dajiyay, isla markaana uu dagaal muddo socday dhexmaray labada dhinac.

Taliye Maxamed Saqadhi ayaa sheegay in markii hore aysan amar ku qabin in ay weeraran ciidamada buurta galay, laakiin hadda wixii ka danbeeya dagaal toos ah lagu qaadi doono oo ciidamadu qabaan amar buuxa.

Xiisad  dagaal ayaa hadda ka taagan buurta gacan Libaax  iyadoo Xukuumadda  Soomaliland Ciidamo dheeraad ah ay u dirtay halkaas .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here