Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay shir looga arrinsaday dardargelinta dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ ee Gobolka Galgaduud gaar ahaan dhinaca Bariga oo dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdo.

Wasiirka Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya & Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa wadajir u shir Guddoomiyay kulankaan oo ujeedkiisu ahaa dardargelinta Dagaalka.

Advertisement

Waxaa fadhiga ka qaybgalay Xildhibaanno heer Federaal, Heer Dowlad-Goboleed, Siyaasiyiin iyo mas’uul kale oo talo & toosin ku leh ajandaha shirka oo ahaa sidii Bariga Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug laga sameeyo howlgallo ka dhan ah ‘AS’.

Maalmihii u dambeeyay waxaa Magaalada Dhuusamareeb xarunta Dowlad-Goboleedka Galmudug ka socda kulamo is daba-joog ah oo xooggooda looga hadlayo dardargelinta dagaallo ka dhan ah deegaannada weli ay joogaan dagaalamayaasha ‘AS’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here