Wasiirka Xannanada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Eeleey oo faah-faahin ka bixiyay tirada xoolaha sanadkaan Soomaaliya laga qaaday si loo gowraco Ciiddul-Adxaa ayaa sheegay in dalka laga dhoofiyay in ka badan 1.2 Milyan oo Neef.

Waddamada Khaliijka Carabta ayaa loo raray Xoolahaas oo la hubiyay caafimaadkooda maadaama kahor inta aan la daabulin laga howlgeliyay dhaqaatiir si ay u ogaadaan caafimaadkooda sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Advertisement

Inta badan Xoolaha la dhoofiyay waxaa Doomo looga qaaday Dekedaha Berbera iyo Boosaaso, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha XFS Xasan Xuseen Eeleey ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si gaar ah ula socoto.

Marka ay baxaan Maraakiibta ugu dambeysa ayuu Wasiirku sheegay in ay soo gudbin doonnaan Tirada guud ee xoolaha laga qaaday Soomaaliya, Nooca ugu badan iyo sida ay u kala yihiin waa sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS.

“Xoolo badan ayaa dhoofay guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan inta badan Dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo ay xoolahaas ka aadeen Waddamada Khaliijka sida Sacuudiga, Cummaan & kuwo kale, howshu weli way socotaa balse qiyaasta la hayo waa 1.2 Milyan illaa 1.5 Milyan oo neef, sanadkaan waxaa muuqda in Xoolo badan la qaaday oo ka badan sanadkii hore balse marka ay baxaan maraakiibta ugu dambeysa ayaan sheegi doonnaa tirada iyo sida ay kala yihiin” ayuu Yiri Wasiirka Xannaanada Xoolaha XFS.

Sanad weliba Marka la galo Bisha 12aad ee Hijriyada waxaa diyaargarow xooggan loo gala ciiddul-adxaa oo tobanka bishaas ku beegan, Dadka awoodo ayaa gowraca Xoolo inta awooddooda ah, halka waddamada khaliijka doomo & Maraakiib loogu raro

Previous articleSAWIRO:- Kulamo xal loogu raadinayo Shaqaaqadii Baraawe oo socda
Next articleShiinaha oo Caalamka ugu baaqay in la horumariyo hannaanka siyaasadda ee Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here