BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa tababar loogu soo xirey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur-galbedd.

Tababarkaan waxay saraakiishu ku baranayeen maaraynta dhibaatooyinka wajahaya shacabka ku dhaqan deegaanada laga saarayo Al-shabaab.

Advertisement

Muhiimada tababarkaani laga leeyahay ayaa lagu sheegay in  xoogga lagu saarayo waajibaadka ciidamada iyo saraakiisha gaar ahaan bad baadinta shacabka iyo baacsiga Alshabaab.

Hoggaanka isku xirka shacabka iyo ciidanka xoogga dalka ayaa ku dadaalaya  sidii looga feejignaan lahaa dhibaatooyinka gaari kara shacabka ku dhaqan deegaanada laga saarayo khawaarijra arxanka daran.

Tababrkaan waxaa bixinaya saraaakiil Milatari iy ka socotay hoggaanka isku xirka shacabka iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed CIMIC.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleSirdoonka Qaranka oo soo xirey Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay
Next articleCiidamada NISA oo gaacanta ku dhigey kooxihii dilay Nabadoon Cabdi Kaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here