MADRID (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Madrid ee Caasimada Dalka Spain ayaa sheegaya in xaalad adag ay ku iiraan Tahriibayaal ay Soomaali ka mid yihiin.

Dadka tahriibayaasha ah oo u dhashay dalal Afrika ah sida Somalia,Senagal iyo Moroco ayaa ku xaniban gudaha garoonka diyaaradaha Madrid, waxaana dhibaatooyinka laga soo warinayo ka mida ciriiri dhanka jiifka ah,caafimaad xumo iyo nadaafad dari intaba.

Advertisement

Hay’adaha  u dooda xuquuqda aadanaha ee Dalka Spain ayaa sheegay in muhaajiriintaan oo dhowr boqol ah aysan heysn hoy iyo daryeel intaba ayna jiiftaan goobo aan munaasib ku ahayn.

Qaar ka mida Tahriibayaasha ayaa teendhooyin ka sameystay gudaha garoonka diyaaradaha Madridm, qaar badan oo ka mida ay kaartooman ku jiiftaan,halka kuwa kalana joodariyaal isku ciriirshaan.

Tahriibayaasha ayaa badankood waxay doonayaan inay galaan Qaarada Ameerika gaar ahaan Mareykanka iyo Canada.

Guddiga Kaalmada qaxootiga ee Spain (CEAR) ayaa u sheegay Wakaalada wararka Reuters in tahriibayaashu  dhibaato weyn ku hayaan garoonka diyaaradaha Barajas ayna sii kordhayaan.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Spain  ayaa sheegay in hada duulimaadyada imaanaya ay u bateen kuwo wada tahriibayaal inkastuu uu xuswy inuusan sheegi katin tirada saxda ah ee tahriibayaasha.

Mar uu ka hadlayay in garoonku leeyahay qolal loogu talo galay tahriibayaasha ayuu xusay inay hada dhisi doonaan mid afaraad madaama ay hore u jireen sedex qol oo ay ugu talo galeen soo galootiga.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleSirdoonka Qaranka oo Muqdisho ku qabtay Sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsan
Next articleGudoomiye Adan Madoobe oo ku amray Taliyayaasha ugu sareeya in la soo qabto ninka xaaskiisa gubay+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here