Muqdisho (dayniiile.com)-Waxa goor dhaw oo caawa ah shir jaraa’id qabtay Taliska booliiska kuwaasoo ka hadlay warar caawa baraha bulshada wareegayay kaasoo ahaa in la afduubtay YouTuber Lii-caato.
Sarkaal ka tirsan Booliiska oo lagu magacabo Ismaaciil oo shirka jaraa’id qabtay ayaa beeniyay in afduiub uu ka dhacay Muqdisho xili uu garab taagnaa Youtuber-ka Lii-caato laftigiisa.
Sidoo kale Lii-Caato ayaa isna hadlay wuxuuna sida sarkaalka beeniyay in la afduubtay, islamarkaana aysan jirin wax dhibaato oo soo gaaray.
“waxaa dhacday is faham daro yar baabuurka baraadada ee la sheegay in la igu afduubtay waxaa watay wiilal aan balansaneyn,wax afduubana ma jirin,lakiin askari la socday gaariga ayaa igula kaftamay waad xiran tahay kadibna bajaajle i keenay meesha gaariga uu igu sugayay ayaa u fahmay in la i afduubtay,waxaan u mahadcelinayaa hay’adaha amaanka Xamar “ayuu yiri Lii-Caato
Haddaba halkaan hoose ka daawo muuqaal faahfaahsan oo uu diyaariyay TV-ga Qaranka.