Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka  ayaa  kormeer Booqasho ah ku tagay   Xerooyinka  General Daaud iyo Xerada tababarka Gen dhaga Badan ee Duleedka Magaalada Muqdisho  .

Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow  ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Halkaasi oo ay ka Socdeen Howlo shaqo oo Muhiim ah

Advertisement

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Xerada General Dhaga Badan kula Hadlay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoona Ciidanka ku boorriyay inay ka feejignaadaan dhagarta cadwoga,

wuxuuna ku kula dar Daar may inay gacan adag kula dagaallamaan Alshabaab General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo  Geesiyaasha Xoogga Dalka hoosta uga xariiqay sida  waajibka ay ugu tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada ayaa dhinaca kale Faray

Ciidanka in ay u diyaar garoobaan dhawaan dagaalka Xureynta ah ee Dalka looga saarayo Maleyshiyada Nabadiidka ah

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow  ayaa si dar dar leh ku wada qorshaha dalka oo dhan looga saarayo Alshabaab.

Previous articleMaxkamadda G/ Banaadir oo bilawday ,Dhageysiga 2-aad dacwadda mas’uuliyiin loo haysto Musuq-maasuq
Next articleMaxaa ka soo baxay Kulankii Xildhibaanada Golaha shacabka?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here