HomeWarkiiTaliyaha Ciidamada Itoobiya "Sidii aan marin biyood u heli lahayn wax kasta...

Taliyaha Ciidamada Itoobiya “Sidii aan marin biyood u heli lahayn wax kasta ayaan hureynaa”

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Masuuliyiinta Dowlada Itoobiya ayaa mar kale bilaabay mashruucoodii ahaa inay doonayaan marin biyood dhanka Badda ah si ay iyagu xor u yihiin dekadna ay halkaasi uga dhistaan.
Taliyaha Ciidamada Itoobiya, Birhanu Jula ayaa ka mida kuwa saacadihiihi ugu dambeeyay hadlay wuxuuna sheegay inay jiraan daddaalo meel fiican u maraya oo ay ku baadi goobayaan marin biyood isagoona cadeeyay waliba inay xitaa awood ku jirto waxay wax ku rabaan .
Taliyaha wuxuu tilmaamay in Ilaalinta danaha qaran ee hada socda aysan horrey iskugu dayin madaxdii hore dalkaasi u soo hogaamisay waa sida uu warka u dhigay.
“ciidanka Itoobiya waxay diyaar u yihiin inay naftooda u huraan sidii dadkoodu u heli lahaayeen marin biyood, mana ogollaan doono in  shacabkeenu waligood saboolnimo ku noolladaan.”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Itoobiya.
Abiy Axmed ayaa sidaas oo kale marar badan ugu hadlay balse waxay iska indha-tiraan dhibaatada amni xumida dalkaasi ka jirta ee qabiil qabiilka Dowlada looga soo horjeedo,sidoo kale abaaraha iyo musuq maasuqa hareeyay dalkaasi .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMGeneral Birhanu Jula: Ethiopia did not ship weapons to Somalia
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -