Muqdisho, February 09, 2024; Taliyaha Ciidanka Boliska Somaaliyeed Sareeye Guuto Sulub ahmed Firin Ayaa Fiidkii Cawa kormeer ku tagay xerada Gen Farxaan Qaroole Oo Talis u ah Ciidanka Haramcad’

Ciidamadaan oo ah Kuwa Si Gaar ah u tababaran ayaana ka qayb qaatay Sugidda amniga magaalada Muqdisho, kana Hortagay falalka gurracan ee Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed.

Advertisement

Taliyaha Ciidanka ayaa uga Mahad celiyay sida feejignanta leh, iyo turida leh oo ay u guteen waajibaadkii ka saaranaa sugidda amniga muwaadiniinta soomaaliyeed, ayna tusaale u noqdeen ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada dalka.

Taliyaha Ciidanka ayaa faray ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciidanka, Boliska masuuliyaddooda koowaadna ay ka dhigtaan ilaalinta badqabka, karaamada iyo nolasha muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibbaneyaasha u ah dhagarta kooxaha Khawaarijta ah.

Previous articleInjineero ka socda Dekadaha Jabuuti oo maanta soo gaaray Magaalada Hobyo+SAWIRRO
Next articleSheydaan Janno ma loogu duceey karaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here