Nairobi (dayniiile.com)-Soomaali badan waxay aaminsan yihiin in Adduunka Tarafiko hubeysan laga helo Somalia oo kaliya gaar ahaan Muqdisho laakiin ogow xitaa wadamo waligood Dowlado lahaa ayaa leh Taraafiko hubeysan sida Kenya oo darin nala ah.

Waxaa jirta in shalay Xabsiga la dhigay sedex sarkaal oo ka tirsan ciidamada wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikada kuwaasoo u dhashay Dalka Kenya balse waxaa baxsaday mid afaarad.

Advertisement

Saraakiisha la soo xiray waxaa soo qabtay Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC markii ay ka kor tageen iyagoo laaluush ka qaadanaya gaadiidka sida ay sheegtay idaacada StarFM ee codka Gobolada Waqooyi Bari Kenya.

Falkaan laaluush qaadashada ah ayaa ka dhashay  waddada Mai Mahiu meel aan sidaasi uga fogeyn isgoyska Karagita ee Magaalada Naivasha oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.

Sarkaalka Afaraad markii la damcay in la soo qabto ayuu dhinac u baxay kadibna wuxuu rasaas ooda uga qaaday Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa sidaas ayuuna ku baxsaday mana jirin wax dhibaato ah oo ka dhashay rasaastaasi.

Ciidamada ayaa ku raad jooga sarkaalka baxsaday ee hadana rasaasta furey halka kuwa la soo qabtayna loo soo gudbiyay xabsi ku yaal Magaalada caasimada ah ee Nairobi gaar ahaana xabsi u gaara gudiga ka hortaga musuq maasuqa.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXasan Cali Kheyre oo Muqdisho ku soo laabtay
Next articleGalkacyo: Maxay tahay gabadha muranka ka dhex dhalisay nin iyo xaaskiisii hore?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here