=XIGASHO BBC SOMALI=

AFDUUBKA KA DHACAY GAALKACYO

Advertisement

Ciidamada booliska Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay dib ugu celiyaan gabar yar oo sanad iyo bar sano jira hooyadii dhashay ka dib howlgal ay iska kaashadeen ciidamada booliska ee Galmudug.

Gabadha ayay sheegeen inuu idin la’aan qaatay nin qabi jiray hooyadeed, balse ay kala tageen.

Sidee wax u dhaceen?

Sida uu BBC-da u sheegay Taliye xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Mudug ee Puntlland Gashanle dhexe Cabdi siciid Xuseen Jaamac ‘Koomaad’ afduubka ayaa ka dhacay dhanka Puntland maamusho halka ninka afduubka gaystay uu ka yimi dhanka Galmudug.

Booliska ayaa BBC-da u sheegay in markii ay soo gaadhay akhbaarta afduubka ay sameeyeen howlgalo baadi goob ah.Taliye Koomaad

Gaalkacyo oo ka kooban labo dhinac oo ay ka kala taliyaan maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa loo sameeyey ciidamo isku dhafa oo ka howl gali kara labada dhinac si ay uga hortagaan falal danbiyeedyada taas oo ay sheegeen inay sahasho soo qabashada dadka danbiya ka gaysta labada dhinac.

“Markan na soo gaartay arinta waan ka howlgalnay waayo waxaan xiriir iyo wadashaqayn ka dhaxaysaa ciidamada booliska ee Puntland iyo Galmudug ee magaalada Gaalkacyo sidaas ayaana ugu guulaysanay inaan gabadha yar la soo celiyo oo hooyadeed loo celiyo” ayuu yiri Taliye Koomaad.

Ebyan oo ah hooyada dhashay Siham Cabdi ayaa Booliska u sheegtay in hore xaas ugu ahaan jirtay ‘ninkan afduubtay gabadheeda’ balse ay kala tageen.

Dhanka kale ninkan lagu eedeeyey inuu gabadheeda afduubay oo lagu magacaabo Maxamed Mooryac ayaa sheegay inuu gabadha yar ay tahay mid ku jirtay uurka Ebyan intii aysan kala tagin sida uu booliska u sheegay inkasta oo uusan keenin wax cadaymo ah oo arintaas la xirirta.

“Sida Ebyan noo sheegtay ilmahaas waa ka dilmeen waxayna samaysatay nolol kale oo nin ayey guursatay hadana waxay tahay marwo meel dagan” ayuu BBC-da u sheegay Taliye Cabdisiciid.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali ayaa shegay in gabadhaan lagu wareejiyay qoyskeeda, isaguna uu marqaati ka ahaa.

“Gabadhaas ayaa lagu kala wareejiyay xafiiska guddoomiyah Gobolka iyada oo gabadha lagu xanaanaynayay isla guriga gudoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali inta hooyadeed aan lagu wareejin ka hor,” ayaa lagu daabacay bogga Facebook ee gudoomiyaha.

Gabadha yar ayaa boolisku sheegeen inay ka soo qabteen dhanka Galmudug balse ninka afduubka gaystay ayaa hadda ku xiran saldhiga booliska ee gaalkacyo qaybta Galmudug.

Taliyahu wuxuu intaas ku daray in gabadha yar aysan ma muuqan wax dhib ah ama tacadiya oo iyada oo badqabta ay ku wareejiyeen hooyadeed.CIIDAMADA ISKU DHAFK AH EE PUNTLAND IYO GALMUDUG

Ciidanka isku dhafka ah ee Galkacyo

Maamulada Puntland iiyo Galmudug ayaa sameeyey heshiis iskaashi oo amaanka la xiriira iyagoo wadajir u dhisay ciidamado isku dhaf oo ka shaqeeya amaanka.

Sanadkii 2017-kii ayaa la sameeyey ciidamada isku dhafkaa kuwaas oo loo xilsaaray inay ka hortagaan falalka lidiga ku ah amaanka.

Arintan ayaa timi ka dib danbiyo ka dhacay Gaalkacyo oo dilal u badnaa kuwaas oo ay adkaatay in la soo qabto dadkii gaystay maadama ay magaaladan ka kala taliyaan labo maamul.

Ciidamadan ayaa sameeya howlgalo wadajir oo lagu bartilmaameeedsado danbiilayaasha oo ka dhaca labada dhinac ee Gaalkacyo.

sidoo kale labada maamul ee heer gobolka iyo mid degmo ee Puntland iyo Galmudug ayaa ka wada shaqeeya arimaha hormarinta ee magaalada dhanka wadooyinka,bilicda iyo amaanka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa tiro dhowrjeer kulamo ku yeeshay Gaalkacyo iyagoo ka hadlayey muhiimada ay labada dhinac u leedahay inay iska kaashadaan nabad galyada.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleTaraafiko hubeysan ugu iman Kenya iyo Somalia
Next articleMaamulka SSC Qaatumo oo hada dhisaya Hay’ada maareynta Masiibooyinka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here