Laas-caanood (dayniiile.com)-Masuuliyiinta Maamulka SSC Qaatumo ayaa markii ugu horeysay isla soo qaaday dhismaha Hay’ada maareynka masiibooyinka madaama lagu jiro xili hay’adaasi loo baahan yahay.
Qorshaha dhismaha Hay’ada Maareynta Masiibooyinka ee Maamulka SSC Qaatumo ayaa lagu gorfeeyay Shirkii Golaha Fulinta Maamulka oo shalay ka dhacay Laas-caanood waxaana  shir gudoomiyay Hoggaamiye Ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil.
Gudiga Fulinta waxay isla gorfeeyeen dhismaha Hay’adaan iyo qodobo kale mamaama dalku uu ku jiro xaalad adag oo ka dhalatay roobabka waaweyn ee daadadka wata iyo waliba fatahaadaha wabiga.
Sidoo kale kulankaasi waxaa looga hadlay arrimaha amniga, adeegga bulshada iyo dhismaha hay’adaha Dawliga ah.
Waa markii ugu horeysay ee Maamulkaani cusub ku fekiro yagleelida Hay’ada Maareynta Masiibooyinka xili dhawaan sidaan oo kale ay dhiseen Xiriirka kubada Cagta ee SSC Qaatumo markii shuruud looga dhigay ka qeybgalkooda ciyaaraha maamul Goboleedyada oo dhawaan ka bilaabanaya Magaalada Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 1 personMay be an image of 6 people, newsroom and text
May be an image of 1 person and beardMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person, smiling and headscarfMay be an image of 2 people and newsroom
Previous articleGalkacyo: Maxay tahay gabadha muranka ka dhex dhalisay nin iyo xaaskiisii hore?
Next articleMuqdisho: Qarax kale oo lala eegtay Goob Ganacsi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here