GAZA (DAYNIILE.COM)-Dadka reer Falastiin ee ku nool Gobolka ayaa baaraya dhismayaasha burburay ka dib markii Israa’iil ay weerartay dhismaha qoyska Al-Batran ee xerada qaxootiga ee al-Nuseirat ee Deir al-Balah.

Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajoodka xabbad joojinta ay socdaan laakiin kubaddu ay taal dhanka Israa’iil.

Advertisement

Duqaymo ay Israa’iil fulisay ayaa saddex qof oo rayid ah ku dilay tuulada Houla ee koonfurta Lubnaan, sida ay sheegeen duqa magaalada iyo wakaaladda wararka ee dalkaas.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 97 falastiiniyiin ah la dilay 123 kalena la dhaawacay 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Ugu yaraan 30,631 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 72,043 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo soo xirey wajiga labaad ee Madasha Aragti-wadaagga Heritage+SAWIRRO
Next articleGudoomiyihii Gobolka Sh.dhexe oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here