Guddomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan ayaa ka qeyb galay shirka dib u hishiisiinta beelo walaalo ah oo dhawaan ku dagaalamay Deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Cadalle iyo Raagacelle

Shirka dhab u hishiisinta oo ka qabsoomaya Deegaanka Burka Dirimeed ayaa waxaa si wadajir ah u daah furay Madaxweynihii Dowladii kumeel gaarka aheed ee Soomaaliya Mudane sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe xuseen

Advertisement

Gogosha nabadeed ayaa waxaa sido kale ku sugnaa  Imaam Daahir Imaam Mohamud , Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo Maamulada Degmooyinka Cadalle  iyo Ragacelle waxaana shirka goob joog ahaa Odoyaasha labada dhinac ee beelaha ay dirirtu dhexmartay.

Previous articleXiddigii hore ee PSG iyo Inter ayaa ka dambeeyay soo wareejinta Verratti Al-Hilaal
Next articleWasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS: “Dagaalka sanadka socda wax badan oo guullo ah ayaa lagu gaaray”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here